torsdag 16 oktober 2014

Somaliska hörförståelse

Hawlaha aduunyada mar baa lagu hagaasaa ee
Hadba waa sidii loo hiigsadaa ee heerka nololeed ee
Hurdi waydey hooyoda qurbaha ubad ku haysaa ee
Habeen iyo dharaar bay hablo iyo wiilba ah hanataa ee
Mid la habo, mid loo heeso, iyo mid u hadaaqaya
Mid himbidha, mid hiifaya iyo mid ay ku hawshooto
Mid habrada, mid haylaha xidha iyo huga mid loo baadho
Intaas ay hormood iyo u tahay hooyo waalid ah ee
In taasay hor joogta sida geelhaleelaa ah ee
In taasay dhismaha hoyga guri kala huleesha ee
Intaas aa hareeraha qabsada hiirta wa berii ee
Dugsi baa higgaada iyo u dhiga iyo hadalkaa luuqeed ee
Ardeygii habsaamiyo ilmaha hoyga lagu maago
Halis iyo hadey uga baqdaan hadima loo geysto
Haay ado dar yeela sharcigo hibo uu siyaa ee
kuwaas aa caruuraha hiigsada oo horor sidiisii ee
kuwaas aa hidaha iyo baddala dhaqan haboona ee
hayeeshee haweenkaa ka hirey hanadadeenii
hawshay hayaan baan marna niman hagajeyn ee
Cidna kuma halleeyan hadey hanan karayaan ee
waa heegan hirtii ilaa himsahimsaha ee
mar waa hawl wadeen caafimaad Ruux haween ahiye
Marna hadalka waa ruux bara macallin higaadi ee
Mar waa habaryar kuu hiilisoo hilib wadaagtaan ee
Marna waa horaadada midaad isu hambaysan ee
Mar waa gacal ku soo haybiyiyo habarwadaagtaa ee
Marna waa wadnaha haamadiyo huga dharkaagii ee
Taageera hooyada haween had iyo gooraale

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar